Qorshaha Xasaanada looga qaadayo labo Xildhibaan oo xoowli ku socdo. Yaa ka danbeeya?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa si xoowli ah u socda olalaha la doonayo in xasaanada looga qaado qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka. Warar lagu kalsoon yahay oo ah heshay warsidaha MOL ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu wado qorsho xasaanada looga qaadayo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Gudoomiyaha oo taageero ka hayso RW Xassan Kheyre ayaa bilaabay in uu dib u kiciyo go’aan horay uga soo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir kaa oo lagu dalbaday in xasaanada laga qaado Xildhibaano ay kamid ahaayen Xasan Macalin iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye. Qorshaha uu Guddoomiyaha baarlamaanka kusoo nooleynayo amarka Xeer ilaalinta Qaranka ayaa la xaqiijiyay in RW Kheyre dhaqaale iyo awood siyaasad ku bixinaayo cenyrinta labada xildhibaan.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo nala soo xiriiray ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka go’an tahay meel marinta dalabka Xeer ilaalinta ee xasaanada looga qaadayo Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Saabir. RW Xassan Kheyre ayaa doonayo in uu ka hortago mooshin si hoose u wadaan qaar ka mida xildhibaanada. Waxaa kaloo ujeedadiisu tahay in uu cadaadis saaro labada xildhibaan si ay uga noqdaan go’aankooda ah in ay ku biiraan xisbi la filayo in dhawaan Muqadishu looga dhawaaqo kaas oo uu hogaamin doono Madaxweynihii hore Mudane Xassan Shiikh.