Waxaa magaalada Garowe lagu daahfuray qorshaha horumarinta Puntland ee shanta sano ee soocota lagu dhaqmi doono. Munaasibad balaaran oo ka dhacday xarunta Hay’ada horumarinta cilmi baarisaha Puntland ee PDRC ayaa  waxa ka qaybgalay  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni, golihiisa wasiirada, xildhibaano baarlamaanka ah. QM iyo ururada bulshada ayaa ka qaybgalay daahfurka qorshaha horumarinta Puntland.
Waxaa sidii kale ku sugnaa daahfurkaas wakiil ka socdey QM oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa bogaadiyey Puntland oo ku guulaysatey horgelinta qorshe sanadaysan mudooyinkii lasoo dhaafay isagoo kula taliyey in qorshaha uu ka dhex muuqdo doorka miisaaniyada Puntland ee horuminta loogu talagalay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa si rasmi ah u daahfuray qorshaha horimarinta ee Puntland isagoo sheegay in qorshahani yahay ka horumarinta ayna jiraan qorshayaal kale sida kan Amniga oo u degsan dawlada Puntland.