Qorshaha Galmudug oo la dajiyay iyo hogaanka cusub oo lagu heshiiyay!

Reading Time: 2 minutes

Labdii asbuuc ee u danbeeysay waxaa si qorsoodi ah uga socday hooyga Xasan Kheyre shirar ay leeyihiin kooxo la shaqeeysta Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre. Kulankaan ayaa waxa intiisa badan uu ku saabsanaa qaabka loo wajahayo doorashada Galmudug  iyo sidii lagu xaqiijin lahaa in musharaxa uu wato Xasan Khyere la soo doorto.

Xasan Kheyre ayaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba kal dul dhacy musharax Axmad Qoor Qoor.  Labada Senataris ee kala ah Ugaas Dhageey iyo Dhagdheer ayaa loo xilsaaray in ay soo qooraan magacyada xildhibanada talana ka gaystaan soo  magacaabista  xubnaha gudiga doorashada Galmudug.

Xasan Kheyre oo aqoon u leh dadnimada, aqoonta iyo xiriirka Musharax Qoor Qoor uu la leeyahay bulahsada reer Galmudug ayaa dareen ka muujiyay in Qoor Qoor uu kaligii hogaamin karo Galmudug. Si hadaba loo xaqiijiyo in Qoor Qoor ka shaqeeyo danaha Xasan Kheyre iyo kooxaha la shaqeeysta, ayaa waxa uu soo jeediyay in Qoor Qoor loo helo Gudoomiye Baarlamaan oo gacanta ku hayo Qoor Qoor.

Sidaas darteed ayaa la iska gartay in Gudoomiyaha Baarlamaanka loo magacaabo Xuseen Idoow oo ay ehel dhaw wada yihiin Xasan Cali Kheyre. Xuseen Iidoow oo hada ah xubin ka tirsan Baalamaanka  Fedaraalka ayaa lagu qanciyay in isaga laga dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xuseen Iidow waxa tartan kula jira Maxamed Gacal oo isna ka soo jeeda beesha Murusade, hadana ka tirsan gudiga dib u heshiisiinta Galmudug. Laakiin Gacal ayaa lagu sheegay in uu yahay qof madax adag isla markaana ka tirsan xarakada Islaax.

Xasan Kheyre oo cadeeystay in uu si toos ah uga qaybgalayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado in ay qabsoonto horaanta sanadka 2021 ayaan ku jiro diyaargarow uu doonayo in uu saameyn ku yeesho hogaanka deegaanka Galmudug si xildhibaanada Musqabalka laga soo doorto u noqdaan kuwa uu isagu keensaday.

Xakamaynta Qoor Qoor

Iyada oo ay jirto warar hoose oo sheegayo in Musharax Qoor Qoor uu xiriir qaasa la leeyahay Shiikh Sharof iyo Cabdikarim Guuleed, Ayaa Xasan Kheyre waxa uu dhankiisa doonayaa in uu magacaawdo Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne ku xigeen si hadii Qoor Qoor uga baxo balanta ay gacanta ku qabtaan labada mas’uul ee kale.

Xasan Kheyre ayaan wali go’aan ka gaarin cida uu u magaacaabi doono Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Farmaajo ayaa mar qura ku soo baraarugay qorshaha Xasan Kheyre! Su’aashu waxa ay tahay muxuu talaabo ah uu qaadi doonaa?