Qoraalka Wakiillada Beesha Caalamka maxaa ku Qarsanaa oo Soo Muuqda? Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Qoraal ay soo saareen wakiillada Beesha Caalamka ayaa waxaa loo diray dowladda Somaliya si ay ugu hawlgasho, hasa yeeshee waxaa ka muuqata inuu yahay mid aan maranaba dhaqagal ahayn marka la fiiriyo xaaladda uu dalku ku sagan yahay dowladda gacanta ku haysa oo dalka oo dhan ka xukunta wax ka yar hal kilomitir oo laba jibaaran.

Qoraalka ayaa lagu soo bandhigay arrimo dhowr ah oo beesha caalamku ay qey bisay ayaa lagu dalbaday in laga helo hanaanka doorashada ee weli aan go’aanka laga gaarin, waxaana ay beesha caalamka ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay ku sameysay shirkii Madasha Iskaashiga ee la qabtay 2-dii October 2019. Qoddobada ha lagaa maqlo loo sameeyey waxaa ka mid ahaa:

  1. In hanaanka doorashadu noqdaa mid dhowraya dastuurka dalka, islamarkaana xaqiijinaya in dhammaan doorashooyinka federaalka lagu qabto waqtigooda oo ah dabayaaqada 2020 iyo horraanta 2021, ayada oo aan muddo kordhin loo sameyn golayaasha sharci-dejinta iyo fulinta.
  2. In hanaanka doorashadu noqdaa mid xaqiijinaya in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan metelaad caddaalad ah, islamarkaana siiya fursad ay wakiilada matalaya ugu doortaan hab “qof-iyo-cod ah”.
  3. In la xaqiijiyo kaalinta xisbiyada siyaasadda ay ku leeyihiin doorashooyinka,
  4. Inla damaanad qaado in haweenka ay 30% ku yeeshaan xildhibaanada baarlamanka cusub.

Sida ka muuqata qoraalkan waxaa loogu talagalay inay qolo waliba iska aragto oo ay ka muuqato, waayo kooxaha isaga soo horjeeda siyaasadda Somaliya waxay koox waliba ku dadaashaa in arrinka doorashada uu noqdo laba midood a) In laga ilaaliyo kooxda ka soo horjeeddaa inaysan ku shuban oo ay caddaalad sameyso. b) In iyadu hesho jidkastaa ha loo maree. Qoraalka beesha caalamkana waa la mid waa Sambuus afar gees ah. Marka aad indho caqli ku jiro ku eegtid qodobada ay beesha caalamka soo qortay waa kuwa ay ka leedahay hal ujeeddo oo kaliya kaaso ah inay hesho sababtii ay ku soo dhexgeli lahayd si ay iyada u sameyso route Map. Waayo waxaa muuqata in qodobada halkaan ku qoran aysan marnaba dowladaan hirgelin Karin, mana haysato aqoontii, hogaamintii iyo agabkii ay ku hirgelin lahayd.

Beesha caalamka waa ogthay inaysan dowladdaan marnaba u diyaar ahayd inay doorasho qabato iyo inay qirato inaysan rabin in ay doorasho qabato. Marka aad dib u fiiriso ballantii ay la galeen Oktober 2, 2019 oo ahayd inay dawladda cadeyso December 2019 waxyaabaha la xiriira doorshada iyo mudadeeda, waana la ogaa inaysan wax tallaabo ah aysan dhankaas dowladda u qaadeyn.

Guddiga “madax Bannaan” ayaa waxay ku hadaqaan in ay dalka u diyaar yahay in laga qabto doorasho qof iyo cod iyagoo shaqadiisa ay tahay inuu farsamo ahaan diyaariyo sidii loo qaban lahaa doorashada ay dowladda rabto. Guddoomiyaha guddiga oo aan kala aqoon inay tahay guddoomiye guddi madax bannaan iyo wasiirkii Arrimaha gudaha iyo doorshooyinka ee dalka ayaa meel waliba isla taagta inay dalka doorasho laga qaban karo, iyadoo waliba ku doodeysa in hal magaalo haddii laga qabto ay iyada shaqadeeda gudatay.

Dhinaca kale xogag isa soo taraya ayaa sheegaya inay MW Faramjo, RW Kheyre iyo milkiilahooda Fahad Yasiin aysan isku raacsaneyn waxa la sameynayo. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu MW Farmajo rabo in la qabto doorasho ah in xoogagga wadaniyiinta meel lagu xareeyo oo ay kadib isaga doortaan, iyadoo kheyrana uu rabo in Barlamaanka loo kordhiyo 4 sano, madaxweynaha iyo guddoonka barlamankana la doorto, isagoo filaya in xildhibaanada hadda joogaa oo uu badankood biilo inay isaga u codeynayaan . Dhinaca kale Fahad ayaa la aaminsan yahay in Farmajo iyo Kheyraba ay ugu dhammaatay oo kadib markii iyaga la isku jebiyo uu jeebka kala soo baxo ruux u janjeera dhinac aan wali la ogeyn

Isku duub beesha caalamka waxay farmajo iyo dowladiisa u dirtay wax aan la soo helyn oo aan maqneyn, waxay mucaaridka u sheegtay inuusan kororsi jirin,waxay shacabka Somaliyeed u sheegtay inay  cid waliba matalaad ay hesho, haweenkana in meel loo saaro 30% xildhibaanada Barlamanka. Dhamaan arrimahaan waa kuwa afgobaadsi ah mark adhan laga eego waxaana bannaanka yaalla lidka ama cagsiga qodobadaan oo dhan.

Dalka waxaa uu u socdaa route map ah in muddo lagu daro lana dhiso dowlad wadaag ah oo ay shaqadeedu tahay oo kaliya inay qabato doorasho sidii dowladdii uu hogaaminayey RW Dr. Cabdiweli Cali Gaas, waxaana doorkaas lahaanaya waa beesha caalamka oo iyado isu qorsheyneysa in ay hogaanka qabato.