Qoraalka ka soo baxay Wasiirrada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada waa mid aan laga fiirsan

Reading Time: 2 minutes

Qoraalka ka soo baxay Wasiirrada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna saabsan joojinta wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka waa mid aan laga fiirsan, waxaana lagu xagaal daacinayaa dib u soo nooleynta kaalmada beesha Caalamka iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta oo ah mid shuruudo adag ku dabran yihiin kaddib markii dowladdii hore ee Farmajo ku fashilantay fulintiisa, taaso keentay in la joojiyay deeqihii la siin jiray Soomaaliya, isla markaana la bixin waayo dulsaarka la rabay 2021-2022.

Waxaa kaloo jira in Miisaaniyadda Dowladda Federaalka 2021-2022 ku yimid isdhin sababo kala duwan.

Qoraalka Wasiirrada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada ma caddeynayo Waxyaabaha la baalmaray ee ku qoran 5 heshiis oo saddex ka mid ah lagu gaaray dalka dibeddiisa, labana dalka gudihiisa. Waxaa kaloo isweydiin u baahan in 5 ta heshiis la fulin jiray 2019-2022 ( May 2022), madaama aysan jirin wada shaqeyn maaliyadeed u dhexeysay DG iyo DF 2018-2022, inkastoo Beesha Caalamka laalush badan ku bixisay shirarka Wasiirrada Maaliyadda DG iyo DF si barnaamijka deyn cafinta loo gado.

Qoraalka Wasiiraadda Maaliyadda DG waa mid ka soo horjeeda nidaamka dowladnimada, waayo waa go’aan siyaasadeed oo ay leeyihiin Madaxda Sare ee Dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Tan kale, go’aanka wuxuu taageraya sii socoshada qaskii iyo burburka dowladnimada Soomaaliya oo laga dhaxlay dowladdii farmajo.

Qoraalka wuxuu hor istaagaya in dib loo soo nooleeyo taagerada dhaqaalaha iyo tan bani’aadamnimo ee hakad galay bilowgii 2021, wuxuuna fadeexo weyn ku yahay dowladnimada Soomaaliya oo muddo 2 sano ku dhex jirtay qas iyo qalalaase siyaasadeed.

Wasaaradda Maaliyadda DF waxaa laga sugaya inay Barlamaanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaaladda Maaliyadda ee dowladda federaalka cusub ay dhaxashay, shuruudaha Beesha Caalamka, iyo tallaabooyinka gunti isku dhiijinta ah ee lama huraanka ah. Soomaaliya kuma jiro beentii iyo dhalanteedkii ay ku soo jirtay 5 sano ee la soo dhaafay.

Waxaa muhiim ah in RW DF iyo Madaxweynayaasha DG ka wada hadlaan guud ahaan iyo gaar ahaan qodobbada la baalmaray iyo sababaha ka dambeeya qoraalka iyo xalka danta dalka ku jirto.

W/Q. Dr. Maxamud Culusow