Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa ka hor yimid magacaabista golaha wasiirada ee uu sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in Xaaf uusan wax sharci ah u laheyn magacaabista gole wasiiro oo cusub, islmarkaana aanay waxba ka jirin magacaabistan.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa xubnaha golaha wasiirada wuxuu faray inay sii wataan hawlahooda shaqo ee ay u hayaan bulshada.
Ugu dambeyn warqada ka soo baxday Galmudug garabka Carabey ayaa maamul goboleedyada, dowladda federaalka iyo beesha caalamka loogu baaqay inay la sii shaqeeyaan golaha wasiirada Galmudug inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub maadaama uu tilmaamay in horey xilka looga qaaday Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo mudo looga fadhiyay dhismaha golaha wasiirada Galmudug ayaa xalay soo gudbiyay liiska 25 wasiir oo aan laheyn wasiiro kuxigeeno.