Qoraal ka soo baxay xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka oo shaki badan abuuray? Ma madax bannaan yahay Hanti Dhowrka?

Reading Time: < 1 minute

Warqadda Hantidhowraha ka soo baxday ayaa waxaa la sheegayaa in aay soo diyaariyeen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad iyo RW Xassan Cali Khayre laguna amray Hantidhowraha in uu saxiixo keliya sidaas waxaa inoo xaqiijiye ilo wareedyo ka shaqeeyo xafiiska RW oo Goobjoog ahaa markii qoraalka la diyaarinayay welibana lagu amray Hantidhowraha in uusan waxba ka bedelin

Sidaa si la mid ah Guddoomiyaha labaad Mahad Cawad ayaa lacag lagu siiyay in warbixinta Guddiga Maaliyadda aan la gelin wax dood ah maalinta Sabtida.

Waxaa sidaa sidoo kale ilaa iyo xalay lacago loogu qaybinayay xubno ka tirsan guddiga maaliyadda oo maalinta sabtida ah golaha shacabka ka hor dhihi doono waxba kama aanan ogayn warbixintan. Haddaba waxaa is weydiiyo leh maxay hore ugu sheegi waayeen mise lacagta la siiyay ayaa ka hadalsiin doonto

Berri oo Sabti ah markii ugu horaysay aay xildhibaano u badan wasiiro aay ka soo horjeesan doonaan sharciga Hantidhorka ka dib markii sharciga lagu daray qodobo siinaya madax banaani buuxda. Waxaana Xildhibaanadan wasiirada ah laga soo amray xafiiska RW Xassan Cali Khayre. Iyadoo ilaa iyo xalay ilaa iyo Saaskay uu arrintaas ka shaqaynayay Xildhibaan Xuseen Idow oo aay isku beel yihiin RW Kahyre laguna arkayay isagoo hoteelada Jazeera iyo Maka Mukarama kula kulmaayo Xildhibaano siinayana lacag

[su_document url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/11/Hantidhowrka.pdf” width=”680″ height=”1060″]