Qooys ka Nool Muqdisho oo Ku Sumoobay Mudaawaad ay Isticmaaleen!!

Reading Time: < 1 minute

Qoyska  Caawa ku sumoobay mudaawaadka ay cabeen ayaa waxa ay degan yihiin Xaafadda Tawakal oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dadka Deriska la ah Qoyskaas ayaa waxa ay sheegeen in Saddex Caruur ah ay geeriyoodeen halka  xaaladooda laga deyrinayo  mid kale iyo Aabaha Dhalay Caruurtaas oo lagu Magacabo Jeele Xaashi Iimaan.

Caruurta geeriyootay ayaa kala ah laba Gabdhood iyo Wiil oo Da’dooda lagu kala sheegay  15 jir 3 jir iyo 10 jir,waxaan dhacdadaan ay dhacday markii Salaadii Cishaha laga soo baxay ee Caawa.

Qoyska ayaa waxyaabaha mudaawaadka ah ay isticmaaleen waxaa la sheegay in Gurigooda uu ka baxayay laakin ay dhibaatadaas ka soo gaartay.

Aabaha Qoyska iyo mid ka mid ah Carruurtiisa ayaa aad xaaladooda laga deyrinayaa,iyada oo lagu daweynayo mid ka mid ah Goobaha Caafimad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in Hooyada dhashay Caruurta aysan iyada cabin waxyaabaha mudaawaadkaas ah,isla markana ay iska diiday.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!