Waxaa mar kale socda dadaal xoog leh oo ay wadaan koox wasiirro ah oo uu horkacayo Mahdi Guuleed iyo Qoorqoor, kuwaas oo ku hawlan sidii RW Rooble markale loo siri lahaa, loona bauuri laha furasad dhab ah oo uu Afgambi markaan fula uu ku sameeyn lahaa Farmajo. RW Rooble wasiirkii tagaa Xafiiska Farmajo ogaal la’aantiisa waa inuu golaha wasiirada ka saaraa waayo wasiirada shaqo kuma laha Xafiiska Madaxweynaha marka laga reebo wasiiru dowlaha u shaqo tago halkaas, laakiin wasiirkii kale ee lagu arkaa waa jaajuus ee maaha wasiir wasaarad hawlaheeda hayaa.
Kooxdaan Qoorqoor iyo Mahad Guleed kala hogaaminayaan oo isku meel wax u wada ayaa durbaba bilaabay isaga dabqaadka munaafaqnimo ee ah in markale la siro RW Rooble, iyadoo markan loo tabaabusheysanayo in la soo qabto Rooble oo la yiraahdo waxaa la soo saarayaa maxkamad kadib markii uu ku kacay musuq maasuq iyo dhulal hanti qaran ah oo uu qaatay.
Qoorqoor iyo Mahadi Guuleed waxaa laga soo warinayaa inay tani u tahay fursaddii ugu dambeysay ee ay RW Rooble ku galaafan lahaayeen, waxaana loo ballanqaaday inuu midkood noqon doono RW dalka marka Rooble laga takhaluso oo dalka la afgambiyo, kan kalana uu noqo doono ku xigeen loogu daray wasaarad muhiim ah.
Kooxda waan waanta wada ayaa waxaa ka soo dhexmuuqday wasiir ka mid ah kuwii udub dhexaadka u ahaa abaabulka inqilaabkii dhicisoobay ee 27 Disember 2021, wasiirkaas oo maanta lahaa weji adag oo uu ku hor fadhiisto RW Rooble, kaas oo ah Wasiirka Arrimaha dibadda Cabdisiciid Muuse. Wasiirkan weligiis kama shaqeyn wanaag uu dalkaan leeyahay, xaasidnimo iyo cuqdad qabali ah oo uu la ildaran yahay maahee.
Dhinaca kale, waxaa yaab leh in Qoorqoor oo ah caada qaate dadka Xamar ilaa Galmudug deggan dhabarka ka toogta inay jiraan weli dad dhageysta oo salaanta ka qaada. Dalkaan haddii qof dembi qarankan lagu dhibaateyey loo qabsanayo Qoorqoor waa qofka kowaad.
Midowga Murashaxiinta waa inay uga digaan RW Rooble inuu mar kale wax waan waan uu la galo Faramajo iyo kooxda damaca dhuunta uu wareeriyey ee uu soo dirsanayo, haddii uu la galena ay talo ka yeeshaan RW Rooble naf ahaantiisa, waayo maahan ruux taarikhda iyo tan soo socota isku xeran kara mar haddii joogto loo sirayo oo xumaan kastaa oo haddana lagu celceliyo uu ka noqonayo xalay dhalay.
Farmajo waa inuu baxaa kor iyo hoos si dalkaann loo badbaadiyaa haddii ay Khasabtana in xoog lagu saaraa oo aan looga warwareegin waayo maanta ayaa ka dhib yar in berri la saaro, degdegna looga raraa madaxtooyada oo la mid noqdaa madaxdweynayaasha hore ee Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sh Maxamuud oo magaalada dhinac ka deggan.