Qoor Qoor oo xulida CC ku xalaaleeyay boobkii iyo musuqii ka dhacay dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Xulida la soo xulay Cabdiraxman Cabdishakur ayaa waxa ay soo afjartay doodii ay ku doodayeen xubnaha Midiwga Musharaxiinta ay ku tilmaamayeen in waxa ka socda dalka ayan ahayn doorasho balse ay tahay boob.

Farmaajo iyo kooxaha la shaqeysta oo caan ku ah sida loo qobjabiyo qofka ay doonayaa inay baa’biyaan ayaa waxa ay xulida Cabdiraxaman Cabdishakur u isticmaaleen inay ku qobjabiyaan Midowga Mushaxaiinta iyo Cabdiraxam Cabdishakur.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo taa ka duulaya ayaa ayaa kulan  isugu keenay qaar kamida xildhibaanada dhawaan la dooraty ee lagu eedeynayay dilka ka dhacay dalka iyo Cabdiraxamaan Cabdishakur.

Xubnaha uu la kulmay waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo sh sargaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug in uu ahaa is cafin.  Waxaana loo qaybiyay baxda saaxaafadda sawiro ku ssaabsan kulankaas.

Qoor Qoor ayaa yiri ” kuwii beenta iga sheegay ee ahaa in aan doorasho xalaala ka dhicin Dhuusamareeb, sow meel cidla ah kuma soo dhicin..adeer doorasho xalaal ah ayaa qabanay”