Qoor Qoor oo xiray qaar kamida wariyayaashii soo tabinayay dagaalka Guriceel

Reading Time: < 1 minute

Sida ay Sheegayaan wararka naga soo gaarayo magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xalay xilli dambe gudaha magaalada Lagu xiray Wariye Maxamed Cabdiwali Tooxoow, oo ka mid ah wariyayaasha Galmudug ka howl gala.

Wariye Tooxoow ayaa la shegay in xalay loogu yeeray xarunta talisla Booliiska magaalada Guriceel, si uu wareysi uga qaado taliska booliska balse marki uu goobta gaaray ayaa lagu war geliyay in xarig uu yahay wariyaha. Taliyaha booliiska degmada guriceel ayaa lagu soo waramaya in uu bixiyay amarka lagu xiray wariyaha. Wariyahaan ayaa maalmihi la soo dhafay si aad ah u tabinayay dagaalka ka dhacay magaalada guriceel.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!