Qoor Qoor oo wali aan tanaasulin taageerida Farmaajo iyo Fahad! Qoraalna soo saaray

Reading Time: 2 minutes

Madaxtooyada DG Galmudug ayaa qoraal kasoo saartay Doorashooyinka Dalka, khilaafaadka siyaasadeed iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Qoraalkaan ayaa ka danbeeyay culays kaga yimid Qoor Qoor Villa Soomaaliya  kaas oo ahayd in ka soo horjeesto go’aanka gudiga doorashooyinka. Qoor Qoor oo culays ka haysto deegaanka uu ka taliyo, kaas oo laga yaabo in xil ka qadis lagu sameeyo isaga qudhiisa ayaa waxaa uu soo saaray qoraal uu isku dayay inuu  labada dhinacba ku qanciyo.

DG Galmudug ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto in khilaafaadka jira ay sabab u noqdaan dib u dhac Doorasho oo markale waddanka soo wajahda, waxa ay ku baaqday in wadajir la isaga kaashado ka gudubka caqabadaha taagan.

“Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah. Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka DG Galmudug.

Madaxtooyada DG Galmudug ayaa sidoo kale sheegta in aan laga maarmin kahortagga khatarta muuqata oo xalka keliya looga hortagi karo ay tahay in wadajir hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaranka uga arrinsadaan.

“Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran. Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada DG Galmudug.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa shahaadada rasmiga ah siiyay Xildhibaanno iyo Senataro katirsan Baarlamaanka Federaalka ee 11aad Soomaaliya, waxaana loo qorsheeyay in ilaa 13ka April 2022 la siiyo shahaado siinta.