Qoor Qoor oo ugu danbeeyntii soo magacaabay badalka xubnihii cabashada ka timid

Reading Time: < 1 minute

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goordhoweyd oo maanta ah xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta u gudbiyey liiska xubnaha bedelka ah ee cabashada laga soo gudbiyay. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Galmudug, kuwaas oo gaaraya afar xubnood.

Xubnaha lasoo bedelay ee afarta ah ayaa saddex kamid ah qeyb ka noqonayaan Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka.

Magacyada uu gudbiyay waxa ay kala yihiin:

1. Yahye Cismaan Gedi = SEIT
2. Mahad Abdullahi Mahamud = SEIT
3. Hawo Adan Yare Culusow = SEIT
4. Ayan Abdirahman Mahamud = FEIT (Guddiga Xalinta Khilaafaadka)

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!