Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Qoor-Qoor ayaa doorashadiisa waxa si qalbi furan u soo dhaweeyay guud ahaan shacabka iyo  qabiilada kala duwan ee ku dhaqan guud ahaan degaanka Galmudug.  Waxa uu ugu muuqday in uu noqon doono mid u sinaada isla markaan isku doona qabaa’ilada 11ka ah ee ku dhaqan  Galmudug.

Nasiib xumo Axmad Qoor-Qoor ayaa magacii iyo karamaadii dowlad Goboleedka reer Galmudug waxa uu u sariftay  beesha Habargedir ee uu isagu ka dhashay. Isaga oo markii hore isku qarin jiray daaha gadaashiisa ayaa waxa uu hada ka wadaa magalaada Muqadisho olole uu ugu raadinayo beeshiisa in loo magacaabo Ra’iisal Wasaarihii badali lahaa Xasan Cali Kheyre.

Ma aha kaliya in uu beeshiisa u raadinayo hogaanka labaad ee dalka isaga oo isticmaalayo magaca  Galmudug ee waxa uu sidoo kale dagaal aan gabasho lahayn  uu ku qaaday  musharaxiinta ka soo jeeda qabiilada kale ee ku dhaqan deeganka Galmudug ee ayaguna raadinaya in loo magacaabo jagada Ra’iisal Wasaaraha.

Qaar ka mida qabiilada Galmudug dega ayaa waxa ay bilaabeen kulamo ay uga arinsanayaan  ka  sii mid noqoshada Dowlad Goboleedka Habargedir. Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa la rajaynayaa in asbuucyada soo socda ay qabiilada ka soo jeeda Galmudug ee aan ahayn Habergedir ay shirwayne wada-tashi ah ku qabsadaan magalaada Muqadisho.