Qoor-Qoor oo maanta shaacin doono qayb kamida liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu filayaa in maanta saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharaxiinta Aqalka sare ee ka qayb-gali doona doorashada Aqalka Sare

Qoor-Qoor ayaa shaacin doona Liis kooban oo ay ka maqan yihiin kuraasta sida xooga ah la isugu heysto sida kuraasta beesha sacad, Habr Gedir. Qoor-Qoor  ayaana lagu wadaa in faafinta rasmiga ah uu ku sheego liiska.

Liiska musharixiinta maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo saameyn weyn ku leh siyaasadda. Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Wararka aanu ka helayno Galmudug ayaa sheegaya in marka uu ku dhawaaqo liiska uu safar dhaqwso ah ku Qaadi doono dalka Turkiga isaga oo ka cararaya eedayn iyo dagaal ka dhaca degaanka Galmudug.