Qoor-Qoor oo kuraasta Senatariska u xirayo shaqsiyaad gaara! Aqriso liiska hordhaca ah

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Qoor- Qoor ayaa  ugu danbeyntii qaatay go’aan kama danbays ah kaas oo ah mid ka tarjumaya rabitaanka Madaxweyne Farmaajo. Qoor –Qoor ayaa go’aansaday in kuraasta Aqalka Sare loo xiri doono shaqsiyaad uu isagu doonayo in uu ku soo saaro Aqalka Sare.

Xiritaanka kuraasta ayaa macnaheedu yahay in kursi kastaa ay ku tartami doonaan shaqsiyaad ay Qoor-Qoor iyo Farmaajo wataan, shaqsiyaadkaas kutraata la siiyay  ayaa waxa ay keensan doonaan qof malxiis ah oo ku soo xaadiro xarunta doorashada.

Tilabadaan uu doonayo in uu qaado Qoor-Qoor ayaan shaki ku jirin in ay dhalin doonto xaalada siyaasadeed oo laga yaabo in ay isku badasho dagaal ka dhaca degaanka Galmudug.

Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa liiska hordhaca aha ku jira magacayada soo socda:

  1. Cadi Qaybdiid: Beesha Sacad
  2. Cabdixakim Bidaar: Beesha Ceyr
  3. Saciid Siyaad/Dahir A Kadiye:  Beesha Saleemaan (inkastoo laga yaabo in hal qof kale lagu daro),
  4. Xildhibaan Duniya:  Beesha Direed
  5. Senator Zam – Zam: Beesha Waceysle,
  6. Senator Dhagdheer Beesha Murusade:
  7. Senator Ugaas Dhageey: Beesha Duduble
  8. Gabar la dhalatay Madaxwyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid, laakiin uu keensaday Famaajo

Sida ay shegayaan wararka hordhaca, waxaa laga yabaa in Qoor-Qoor uu marka hore soo saaro shan Senator oo ayan ku jirin kuwa la isku hasyto, gaar  ahaan kuraasta Habargedir, isaga oo ka dhuumanaya dhibaatada ka imaan karta talaabadaas.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in marka uu Qoor Qoor soo saaro liiska uu safar deg deg ah ugu bixi doono Dalka Turkiga isaga oo ka dhuumanaya dhibaatada ka imaan karta kuraasta uu sida qaldan u qaybiyay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!