Dhowrkiii maalin ee la soo dhaafay waxaa si qarsoodi ah ku socday dhex-dhexaadin uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug kaas oo lagu dhex-dhexaadinayay Fahad Yasin iyo Cabdiraxman Cabdishakur.
Wadahadalkaan oo in mudo ah soo socday ayaa ugu danbeeyntii habeenkii Sabdiga oo ay bisha Federaayo ahayd 12ka waxa qadka taeefanka lagu wadahadalsiiyay Fahad Yasin iyo Cabdiraxman Cabdishakur. Wadahadalkaas oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa labada nin waxaa u dhaxeeyay Qoor Qoor.
Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa ka gaabsaday in uu eedeyn xooga dusha ka saaro Fahad Yasin balse waxa uu eeda dusha ka saaray Farmaajo kaas oo uu ku eedeyay in uu soo abaabulay weerarkii lagu qaaday gurigiisa.
Wadahalkaas waxaa inta badan hadlaayay Qoor Qoor halka uu hadalka Fahad Yasin ku koobnaa erayo kooban oo ku aadanaa in uusan jirin naceyb gaar ah uu u qabo Cabdiraxamaan Cabdishakur.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa dhankiisa muujiyay rabitaan uu ku doonayay in uu dib u soo celiyo xiriirka kala dhaxeeyay Fahad Yasin. Xogta ay heshay MOL ayaa sheegaya in gaba-gabadii kulanka lagu heshiiyay in labada dhinac ay si ka fool-ka-fool ah ay ugu kulmaan magalaada Muqdisho.
Qoor Qoor ayaa soo jeedayay in gurisiisa Muqdisho uu ka dhaco kulanka, laakiin marki danbe waxaa la isku waafaqay in lagu kulmo qol kamida qolalka Hotelka Decale ee ku yaalo Garoonka Diyaarada Aadan Cade. Waxaa sidoo kale la isla gartay in ayan muhim ahayn in Qoor Qoor goobjoog ka ahaado kulankaas mar hadii labada dhicay uu is-afgarad dhex dhigay.
Sida ka muuqata qoraalada uu Cabdiraxamaan soo dhigo baraha Bulshada, kaas oo uu ku caawyo dowlada Faramajo, gaar ahaan Fahad Yasin waxa uu durbadiiba bilaabay in uu ka fogaado in uu wax ka sheego Fahad Yasin ama uu ka falceliyo doorashada Fahad.
Cabdiraxamaan Cabdishakur ayaa horay ula heshiyay Kulane Jiis iyo Saadax Joon labadaan oo lagu tilmaamo inay ka danbeeyeen weerarkii lagu qaaday gurigiisa, iyaga oo dhankooda balan qaaday in ay ka caawin doonaan doorashadiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya inhHeshiiska uu Cabdiraxmaan la galay Fahad Yasin uu salka ku hayo arimo dhaqaale, maadama dhaqaale xumi la soo daristay ololaha doorashadiisa.
Safari uu Fahad ku tagay magaalada Baladweyne waxaa ku wehliyay xildhibaano ka soo jeeda beesha Habargedir, taas oo muujinayso in Fahad doonayay inuu hanto beesha Habargadir si uu ugula dagaalo kooxaha diidan hogaankiisa.