Qoor Qoor oo ku adkeysanaya in uu maanta u safro Dhuusamareeb! Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo uu wali ka socda magaalada Muqdisho shir aad xasaasi kaas oo ay ka qaybgalayaan 8 mas’uul  oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo gobolka banaadir, shirkaas oo ah hordhac looga heshiinaayo ajandaha shirka weyn ee lagu soo afmeerayo hirgelinta heshiiskii 17 September.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor) uu shirka weydiistey fasax, kadib markii dagaalo culus ay ka dhaceen qaybo kamid ah Galmudug, dagaaladaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada Amniga, wuxuu dalbadey in shirka loo hakiyo hal maalin kuna soo noqonayo maalinta Salaasada ah.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa is hortaag ku sameeysay safarka Qoor Qoor iyaga oo ka baqaya in uu halkaas ku soo raago sababna u noqdo fashil ku yimaado shirka socda.  Dhanka kale Qoor Qoor ayaa ku doodaya in uu degaanka Galmudug ka maqan mudo ka baxsan mudadii dastuurka u ogolaa sidaas darteedana ay qasab tahay in uu ku noqdo Dhuusamareeb oo saacado soo joogo.

Shirka ayaa hadda loo balamey 6 April si la isugu raaco ajandaha shirka, sida Horseed ogaatey, haddab waxaan waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka maanta lagu kala kacay.