Qoor Qoor oo ka horyimid dagaalka Al Shabaab ee ku wajahan Ceelbuur

Reading Time: < 1 minute

Madaxeyweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa la sheegay inuusan la war gelin duulaanka lagu xoreynayo ceel buur oo katirsan gobolka gal gaduud.

Deegaanada kala ah Wabxo,ceel gorod,war xoolo iyo tuulooyin kale oo udhaw ayey ciidamada dawladda la wareegeen saacado ka hor,halkaasi oo al shabaab muddo ka badan 10 sano ay katalinayeen.

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee maaliyada gobolka banaadir ibraahim cumar mahad alle ayaa qeyb ka ah duulaanka lagu xoreynayo ceel buur iyo deegaanada udhaw waxaana uu beeniyey in aysan jirin wararka la isla dhexmarayo ee ah in Madaxweyne qoor qoor aanu ogeyn duulaankani.

Mahad alle ayaa sheegay in qabashada Wabxo iyo deegaanada kale ay ku timid duulaan dhowr jiho laga qaaday oo Maxaas gobolka hiiraan kasoo bilowday,ayna ku rajo weyn yihiin in dhawaan kula wareegaan degmada ceel buur oo ah mid ka mid ah meelaha ay argagaxisada ku xoogan yihiin.

Waxaa muuqato in uu jiro kutalagal MW Qoor Qoor si toos ah banaanka loo dhigayo  dagaalka ka socda deeganada hoosyimada Galmudug.