Qoor Qoor oo durbadiiba khalalaase siyaasadeed ka abuuray deeganadii la qabtay!

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in maamullada loo magacaabayo Degmooyinka laga qabsaday ‘AS’ ay si KMG ah usii shaqeynayaan si loo gaarsiiyo Doorasho Dadka deegaanka ay ku dooranayaan maamulka metalaya.

Hadalka ka soo yeeray MW Qoor Qoor ayaa durbadiida waxa uu dareen ka dhex abuuray shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo deeganadaas.  Waxaana muuqato in talabadaan uu ku magacaabayo gudoomiyayaal deeganada la qabtay, kaas oo aan wax wadatashi la galin ay dagaal ka dhex abuuraysao qabiilada degan degaanada laga xureeyay Al Shabab.

Mid kamida odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda mid kamida deegaanadii doraad  la qabtay ayaa sheegay inay marnaba aqbali doonin madax laga soo magacaabay Dhuusamareeb. MW Qoor Qoor ayay horay loogu  eedeeyay in uu hormuud ka ahaa xaqdarada lagu sameeyay shacabka ka soo jeeda deeganadooda.

Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor ayaa sheegay in sababta sida KMG ah loogu sii magacaabayo maamulladaan ay tahay in laga shaqeeyo howlaha amniga lagu sugayo si marka qorshahaas uu dhammaado loo qabto Doorashada Golaha Deegaanka.

“Maamulka lasii magacaabo waa mid si KMG ah loosii magacaabayo, deegaannada xorta ah ee Galmudug waxaa dhammaan ka hirgalay maamullo Dadku ay doorteen, kuwaan waxa aan u rabnaa sidaas oo kale, Maamullada aan magacaabeyno waa KMG oo Doorasho gaarsiinayo, dib u xorreynta ayay qayb ka tahay in maamul la sameeyo” MW DG Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Madaxweynaha DG Galmudug ayaa dhanka kale sheegay in ka maamul ahaan in adeegyada Bulshada laga hirgeliyo Degmooyinka gacanta Dowlad-Goboleedka soo galay sida Waxbarashada, Caafimaadka & garab istaagga Dadka gacan qabashada u baahan.

Dadka ka maqan degmooyinka laga qabsaday ‘AS’ ayuu ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda isaga oo sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka & Macawiisleyda ay lasii joogi doonnaaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Marka Cadawga laga xorreeyo deegaannada kaddib in aan Dadka soo celino waxaana ugu baaqeynaa in Dadka maqan dib usoo laabtaan si aan ugu sameyno qorshaha xasilinta, cid u adeegto ma lahayn, waxaana codsaneynaa in nalagu garabsiiyo arrintaan” Axmed Qoor-Qoor Madaxweynaha DG Galmudug.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta, Dadka deegaanka & Saaxiibada ka garabsiiya duqeynta diyaaradaha aan duulliyaha lahayn (Drones).