Qoor Qoor & Lafta Gareen oo isla gartay inay wadajira u difaacaan kursiga Fahad

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalintii saddexaad ku sugan Baydhabo ayaa halkaasi ka wada wadahadallo la’isugu soo dhoweynayo Koonfur Galbeed iyo Xukuumadda Soomaaliya oo isku qabtay dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Qoor Qoor oo ay la socdaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay inuu dhiggiisa Koonfur Galbeed kala hadlayo tabashada ay ka qabaan munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Qoor Qoor & Lafta Gareen ayaa isla gartay inay sida wadajira uga wada shaqeeyaan soo celinta kuraasta la hakiyay oo uu ugu horeeyo kan Fahad Yasin. Labada nin ayaa isla meel dhigay inay lama huraan tahay inay isku meel uga soo wada jeestaan waxa ay ku sheegeen cadaalad darada Rooble ku dhaqmay.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha kale ee la socda ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Lafta Gareen iyo xildhibaanada dooran, iyaga oo ka wadahadlay xiisadda taagan iyo sidii loo dhammeyn lahaa.

Inkastoo ay kulamada qaarkood lawada joogay, hadana Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa kulamo  u gaara  labadooda oo kaliya qabsaday iyada oo banaanka laga dhigay ragii la socday Qoor Qoor.

Dhanka kale waxaa weli socda dadaallada xal raadinta a, iyada oo sidoo kale lagu ballamay inay sii socdaan kulamada wadatashiga ah, inta laga gaaro is afgarad ku aadan xiisadaas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeynta xukuumadda iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.