Qoondadii Xajka ee Puntland oo si gaar ah loo iibsaday

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeyay in qoondadii Xajka ee loogu talagalay dadka reer Puntland si gaar ah loo iibsaday. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan Soomaaliya u ogolaatay inay kasoo xajiso kow iyo toban kun iyo shan boqol oo qof, waxaana dowladda faderaalka ay u tartansiisay inka badan konton shirkadood oo loo saaray inay xajka u tartamaan.

Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa kusoo aaday shan kun iyo afar boqol, halka afar kun iyo shan boqol ay kusoo aaday Somaliland, laakiin Puntland oo markii horeba lasiiyay kun iyo lix boqol oo xaaji ayaa markii dambe dib looga iibiyay shirkado ku yaala magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa, taasi oo ka dhigtay in xujayda Puntland ee sanadkan oo wali fiisaha loo saarin ay kusoo hagaagaan afar boqol oo qof oo shaki laga qabo inay fiisaha usoo bixin.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay dadkii Puntland ku malatayay qoondooyinkaasi inay iyagu dirsan oo ay ahaayeen wax ay dowladda faderaalka Soomaaliya iska maamulatay. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in si gaar ah loo iibsaday qoondadii Puntland.

Wasiirka ayaa xusay digniinahan inay horay usoo saartay Puntland, balse aan waxba laga qaban. Xujayda Soomaaliyeed ayaa horay uga cabanayay qiimaha xaajiga oo qaali ah, marka lala barbardhigo dalka intiisa kalle.