Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii u horeeyay uu u geeriyooday cudurka Coronavirus.
Qofkan oo ahaa 58 jir aan dalka ka bixin ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Shalay ayay aheyd markii wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay qofkii 8aad ee laga helay cudurka Coronavirus inuu noqday qof aan wali dalka ka bixin oo 58 sano jir ah.
Sidoo kale waxaa ka bogsooday hal qof, waxaana geerida qofkii u horeeya ee cudurkan u dhinta uu ka dhigayaa xaalada Soomaaliya mid halis oo laga yaabo in cudurka sii faafo.