Qofkey ka Qarsooneyd Boobka Doorashada 2021 Ha ku Quusto.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa si ula kac ah loo muujiyey boobka doorashada “Somaliland”, taas si cad loo duubay muuqaalka hawlaha dhaca iyo Boobka halkaas ka socdaa. Hooyooyin qoorta la qabanayo oo loo dhiibayo waraaqo buuxsan oo aduunkooda iyo aakhiradooda lagu gubayo, taas oo looga saaray ummadda Muslimka ah waayo Rasuulka csw ayaa yiri “ Qofkii na Khiyaanaa naga Mid maaha (Muslim maaha)”.

Hooyooyinkaas iyo dadkaas ogaa in magacooda wax lagu khiyaanay waxna lagu dhacay waxaa u furan weli towbo iyo inay cafis weydiistaan ummadda  Somaliyeed guud ahaan , gaar ahaan ciddii ay ka eexdaan oo mgacooda iyo muuqaalkooda lagu dhacay. Soo baxa oo saxafadda hor imaaw oo cadee xaqa, cafisna weydiiso ayaan ku leeyahay dadkaas la marin habaabiyey.

Dad badani waxay is weydiinayaan maxaa loo duubay muuqaalkan si cad u muujinaya guddiga oo doorashada si gurracan ugu boobaya qof ay og yihiin oo loo soo tilmaamay iyagoo isticmaalaya magacyo kala duwan. Markii aan u kuur gallay oo aan weydiinnay maxaad u duubteen waxay noo sheegeen:

  1. In Farmajo, Fahad iyo Mahdi Guuleed loo muujiyo inay la qabtay hawshii ay amreen oo ahayd in la boobo quraasta Sonaliland, lacagahana ku bixiyeen.
  2. In RW Rooble haddii la kari waayo loogu helo cillad muujineysa in doorashada la boobay mas’uuliyaddana uu isaga iska lahaa waa haddii la goosto in lala dagaalo ama la cabsiiyo.
  3. In qiil ahaa meel loo dhigto muuqaalkan oo ay Fahad iyo Farmajo la soo baxaan haddii doorashada ay ku qanci waayaan sida ay rabanna ay u dhici weydo si ay u yiraahdaan waa la boobay oo ma aqbaleyno, waxaana qabaneynaa doorasho qof iyo cod ah.
  4. In loo geeyo muuqaalkan xubnaha beesha Caalamka ee ku milan dowladda NN oo dhaqaalaha loogu talagalay in Somaliya lagu caawiyo barkiis sidaas kula hara, si barka kale uu u soo fududeeyo.

Haddaba maanta maxay oranayaa dadkii ku doodayey doorashada lama boobin, iydoo ay halkaan ka cadahay in  doorasho kasta oo la soo qabtayna  waddadaan la soo marsiiyey oo sidaan loo boobayey?

Isku soo duub, Beesha Caalamka oo dhacaan iyo boobkan maalgelineysa kuwooda weli Somaliya raja ka qaba, Murashaxiinta been boodayaasha ah oo Hambalayada ku tartartamaya, RW Rooble oo tusbax beenaad aan cibaado iyo Alle ka cabsi loo qaadan wata iyo shacbiga dhib midba midka uu ka culus yahay halkiisa ku sugaya ma ku qanci doonaan muuqaalkan hoose oo si cad u muujinaya waxa ay tahay doorashada socotaa min bilow ilaa dhammaad.