Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Shacabka ku nool Magaaladaas.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen wiilkaas oo lagu Magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Xaamud Wardheere,sida ay sheegeen Wariyayaal ku sugan Magalada Gaalkacyo.

Raggi ka dambeeyay dilkaas ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen,waxaana gaaray Ciidamo oo lagu soo waramayo inay haatan baaritaano ka wadaan.

Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas,balse waxaa aad looga dareemay Magalada Gaalkacyo.

sikastaba ha ahaatee kooxaha hubeysan ee dilalka ka geysanaya magaalada gaalkacyo ayaa maalmihii danbe soo kordhayey xilli maamulka galmudug uu farahooda uu kasii baxayo amaanka magaaladaasi.