Qof lagu dilay suuqa Bakaaraha

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta lagu toogtay suuqa Bakaaraha nin lagu sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada oo rug ganacsi ku lahaa suuqa Bakaaraha dhexdiisa.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay in ninka la dilay lagu toogtay qaybta Cabdalla Shisheeye ee suuqa bakaaraha Bakaaraha. Dilka ayaa waxa gaystay koox wada socotay oo ku hubeysnayd Bastoolado.

Sida la sheegayo ragii dilka gaysaty ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay. Waxaana goobtii dilka ka dahcay gaaray ciidamo ka tirsan   Booliska.