Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa goordhow isku qarxiyay Maqaayad lagu magacaabo Baar Xasan Dhiif oo ku taala afafka hore ee xerada Lama-galaay ee gobalka Hiiraan.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Waa qaraxii ugu horreeyay oo sidan oo kale ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, inkastoo dhowr jeer qaraxyo Ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalooyin badan oo dalka ah.
Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan goobta qaraxu ka dhacay, waxana socda gurmad loo samaynayo dadka dhibaatadu ku dhacday.
Beledweyne waxay isu diyaarinaysaa maalinta berito ah, inay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.