Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay goob maqaayad ah oo u dhow xero ciidan oo ku taalla, magaalada Muqdisho.
4 Qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay Qof is-miidaamiye ahaa oo dhex galay Maqaayad ku dhow saldhigga Ciidamada Xerada Nacnaca ee degmnada Wadajir, magaalada Muqdisho oo ah saldhig ay leeyihiin ciidamada milatariga.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay inuu qaraxa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo dadka ku waxyeeloobay loo qaaday Isbitaallada Muqdisho.
Xilliga qaraxa ayaa la sheegay inay maqaayadda ku sugnaayeen dad badan oo ay ku jiraan askarta milateriga ee Xerada ku jira.