Qof isku qarxin rabay xarunta TurkSom oo la toogtay

Reading Time: < 1 minute

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa lagu toogtay meel ku dhaw xerada tababarada Turkisom ee magaalada Muqdisho. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qofka qaraxa soo xirtay uu damacsanaa inuu isku qarxiyo saraakiil feel ku jirtay oo loo diyaarinayo tababar leyli Sarkaal.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay iskudayga  ismiidamintaas iyo hadii dad kale ku dhawaacmayn. Wararka ayaa intaa ku daraya in qofka is qarxiyay kaliya uu ku dhintay, waxaa jira dhaawacyo soo gaara Ciidamada. Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho ayaa ah goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo, waxaa lagu tababaraa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri.