Qof Baasaboor Ajnabi ah wata Somaliland Madax kama noqon doono”sidaasi waxaa yiri Wasiir kaahin

Reading Time: < 1 minute

Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Berbera ee  ayaa waxa ay sheegeen in dastuurka Somaliland wax ka badal lagu sameyn doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa sheegay in qorshaha wax ka badalka dastuurka lagu soo dari doono qodob mamnuucaya dadka wata Baasaboorka Ajnabiga ah in ay Somaliland madax ka noqdaan.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka Somaliland ay qeyb ka yihiin dadka ka yimaada dalka dibadiisa ee baasabarada Ajaniga ah wata.

Mas’uuliyiinta Somaliland gaar ahaan kuwa xisbiga Wadani ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday Ololo wax looga badalaayo dastuurka si loo qanciyo qaar ka mid ah beelaha degaanada maamulka Somaliland.