Qodobo noocee ah ayaa loo cuskaday xilka ka qaadista Gud. Dhoobo?

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Dhoobo. Guddoomiye Dhoobo,  Waxaa xilka ka qaadistii u codeeyay 49 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Barlamaanka  Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo shir guddoominayay fadhiga maanta oo uusan goobjoog ka ahayn guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Gudoomiyaha ayaa lagu eedeyay in uu jabiyay ama ku tuntay qodobo dastuurka Puntland ka mid ah iyo xeer hoosaadka barlamaanka,  wuxuu tilmaamay in guddoomiyaha lagu eedeeyay qodobo ay ka mid yihin inuu maleeshiyaad hubaysan keenay barlamaanka, inuu ku tuntay qodobka 59 ee dastuurka oo sheegaya  wadashaqaynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Qodobada kale ee lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ah inuu BBC-da ka sheegay inu Puntland ay dhisteen  3 Qabiil, taasi oo ay sheegeen inay meel ka dhac ku tahay xaqa muwaadinka ee ah inuu qaban karo xil kasta.

Qodobada Loo Cuskaday Xil-ka-qaadista Guddoomiyaha

Qodobada uu ku tuntay 59 dastuurka dowladda Puntland oo sheegaya Hay’adaha dowladda inay ka dhexeyso wada shaqayn sharciga waafaqsan.

  1. Wuxuu golaha wakiilada dowladda Puntland xaruntiisa oo dhoobay malayshiyo hubaysan oo uus oo urursaday, wuxuuna ku xadgudbay Qod 55aad ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda dowladda farqadiisa 1aaad oo dhigayso ciidanka gudaha ee loo igmadya shaqada amni ee golaha wakiilada, ciidan aan ahayn inaan golaha la keen karin.
  2. Wuxuu hoolka golaha wakiiladda la soo galay ilaalo hubaysan taas oo mamnuuc ka ah hooolka shirarka ee gollaha sida ku Susan Isla qodobka 55aad ee xeer hoosaadka golaha farqadiisa 3aad, wuxuuna iska indho tiray tala soo jeedintii guddiga Amniga gollaha ee qodobka sare ku Susan uu siinayo awooda ilaalinta iyo hubinta in hoolka shirarka ee golaha laga ilaaliyo hub iyo ciidan.
  3. Wuxuu sidoo kale u gafay mara badan kana bay ray Osaka India tired qodobka 50aad ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda daowladda Puntland ee dhigay inuu xildhibaanku xaq u leeyahay dhexgal toosineed.
  4. Wuxuu ka baxay dhexdhexaadnimadii xubnaha marka ay dooduhu socdaan isagoo xubnana qaarkood siiya waqti dheeri ah is ka baxsan qodobka 48aad ee farqadiisa 2aad xarafka B oo dhigaya in xildhibaan walba uu 3 daqiiqo doodiisa ku koobo, wuxuuna is cad ugh horyimid xildhibaanka aan la fikirka ahayn isagoo xitaa dooda ka dhexgala.
  5. Sidoo kale wuxuu is badheedha ah ugh tuntay cod 69aad farqadiisa 3aad iyo 5aad ee celinta iyo miisaaniyada dhaqaale ee golaha wakiiladda Puntland.
  6. Wuxuu sidoo kale Idaacada BBC ka sheegay dowladda Puntland inay dhisteen oo qaybsadeen Saddex qabiil taas oo meelka dhac ku ah sharciga iyo xaq muwaadniintu inay u simanyihiin xilalka dowladda.
mm
Safia Ali Yasin

Muqdisho Online main headquarter is in Mogadishu, Somalia, but the office remains anonymous, because of constant threats against its staff.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here