Qodobada Looga Hadli Doono Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya Oo laga War Helay

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kulan koodii caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Ansixinta Xubin ka tirsan Guddiga Madaxbanaan oo uu sheegay in ay daba galidoonan musuq maasuqa,

balse warar hoose oo ay heshay muqdisho.online Ayaa sheegaya in gudigaan madaxa banaan ay san ka hortagi doonin musuqii uu la yimaado R/W xasan cali khayre.

waxaa kale oo maanta la doonayaa in la,an saxiyo Hirgelinta Dastuurka iyo sidoo kale Qaybinta Warbixin la xiririirta wax ka badelka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo ka Doodistiisa.

Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marka hore ansixin doona Xubin ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo lagu soo daray Muumina Sheekh Cumar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan oo dhawaan Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa ka doodi doona si ay wax uga bedelaan xeer-hoosaadka Golaha Shacabka,iyada oo qodobada wax laga bedelayo ay ka mid noqon doonaan soo xaadirista kulamada ee Xildhibaanada Baarlamaanka.

Diyaar garoowga kulanka Baarlamaanka ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.