Qoddobada Culus ee laga soo saaray Shirweynaha Beelaha Hawiye ee Muqdisho

Reading Time: 2 minutes

Shirweynaha ay maanta oo ah 5-ta Janaayo 2021 isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka iyo Beelaha Hawiye ayaa laga soo saaray Wararka ayaa sheegaya-murtiyeed ku saabsan xaaladda dalka, arrimaha Doorashada, Amniga iyo xaaladda kala guurka.

Shirka oo ka dhacay Muqdisho ayaa qodobadda ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa:

1- In Beelaha Hawiye is cafiyaan, meelna uga soo wada jeesteen danahooda.

2- In degdeg la dhiso Gole Guurti oo taladu ka goudo.

3- In la dhiso Dowlad Goboleedka Banadir State, iyo Guddo oo magacaabo dardar gelinta maamulkaasi,

4- Si loo badbaadiyo dalka waa in la qabto doorasho isla ogol ah oo ku dhacda waqtigeeda

5- in talada Xal u raadinta Doorashada in laga qeyb geliyo dhamaan Saamileyda siyaasadeed sida dowladda, maamul Goboleedyada iyo mushirixiinta xilka Madaxweynaha si loo helo doorasho la isku racsan yahay.

6- Shirweynaha wuxuu uga digayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka cawaaqib xumidda ka dhalan karta fuquuqda iyo heyb sooca lagu hay saraakiisha iyo ciidamada beesha kasoo jeeda beelaha Hawiye.

7- In ciidamada qaranka looga digauo sida inay ku lug lahaanshaha loolanka siyaasadeed

8- Shirweynaha wuxuu uga digayaa shirkadaha Caalamiga ah ee Batroolka soo saara inaysan hehsiis la gelin dowladda watigeeduu dhammaaday, heshiisyadaasina aysan ka dhaqan geli doonindegaanada a Beesha hawiye

9- In la joojiyo daandaansiga lagu hayo musharixiinta madaxweynaha ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

10- In lagu dhaqmo dastuurka dalka oo caddeynaya in ogolaansho la’aan la abaabuli karo, lagana qeyb geli karo bannaabaxyada nabadeed.

11- Waxaa la cambaareynayaa falkii lagu rasaaseeyay shacabkii bannaanbaxa nabadeed dhigayay, waxayna dalbadeen in askarigii rasaasta ku riday bannaanbaxayaasha la hor keeno maxkamad.

12- In Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi looga danbeeyo xulista xildhibananada

13- Haddii la gaaro muddada xil heynta ka hor la gaari waayo xal siyaasadeed in la dhiso Gole Qaran oo xilka sii haya muddada kala guurka.

14- In Dowladda loogu baaqay inay joojiso qalalaasaha iyo isku dirka ay ka wado Gobolka Hiiraan.

In la dhiso Gole Qaran oo xil gaarsiin, haddii la gaari waayo