Qaramada Midoobay sigaar ah laanteeda u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa amartay baaritaano lagu sameeyo gabood falo ka dhacay gudaha dalka Libya.
Dhawaan waxaa jirtay in xabaal wadareedyo laga helay gudaha dalkaasi kuwaas oo ay Maxkamada Dambiyada Dunida ku sheegtay in ay yihiin dambiyo dagaal oo lagalay.
Isniintii Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar si adag loogu cambaaray’nayo dhamaan falalkii lidka ku ahaa xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gudaha dalkaasi.
Libya oo ah wadan gani ku ah saliida ayaa tan iyo sanadkii 2011’kii cagaha kula jirtay dagaal sokeeye kadib markii meesha laga saaray hogaamiyihii waqtiga dheer maamulayay ee Mucamar Qadaafi.