Qisaasta Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) iyo Siduu Xukunka u dhacay.

Reading Time: 3 minutes

Qisaasta lagu fuliyey Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) ayaa ka dhalatay xukun ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidaa ku ridday kadib markii ay maxkamaddu go’aan ku gaartay inuu yahay dembiile dilay Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji. Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkii 2017 u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale.

Waxaa jiray sababo keenay inuu fulinta go’aanka maxkamadda uu daaho iyo cabsho soo baxday markii la fuliyey. MOL ayaa waxay daba gashay inay wax ka ogaato kadib markii ay maqashay cabashada ay soo jeediyeen qaar ka mid ah beesha uu ka dhasahy Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid), waxaana u soo baxay arrimahan:

1.   Maxakmadda Ciidamada qalabka sidaa ay dilka u aragtay inuu ahaa ula kac, go’aakeeuna ahaa in lagu fuliyo dilka Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid), xelligii dowladdii hore Farmajo iyo Xasan Kheyre.

2.   Waxaa dhinac socday kulamo u dhaxeeyey labada reer ay ka soo kala jeedeen Cabas iyo Ceydiid. Labada reer dhowr jeer ayey wada fadhiisteen si ay arrinka ugu dhameeyaan maxkamadda bannaankeda oo ay diyo kala qaataan, waayo reerka Ceydiid waxay ku doodayeen inuusan dilka ahayn mid kas iyo ula kac ah, sidaas darted ay diyaar la yihiin diyadii Wasiir cabaas inay bixiyaan.

3.   Reerka Wasiir Cabaas waxay diideen inay diyo qataan sababtana waxaa iska lahaa dowladdii MW Farmajo gaar ahaan, Cali Yare,  Fahad iyo Farmajo oo xelligaasba arrinkan u isticmaalayey si siyaasadeysan, waxayna reerka Cabbaas ka dhashay gadaal uga sheegayeen inaysan diyo qaadan oo uu Farmaajo saxeexi doono dilka qisaasta ah ee Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) oo ay Maxakamada Ciidamada u soo gudbisay. Waxaana arrinkaan mugdiga iyo madmadow geliyey ayaa ah inuu aad uag shaqeynayey Cali Yare Cali oo ogaa inuusan Farmajo marana arrinkaas dhab ka ahayn, waxaana beesha Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) uu ku lahaa Cali Yare lama dilayo wiilka anigaa ka celinayo Farmajo, iyadoo dhinaca kale faraamjo aysan dhabba ka ahayn waayo:

a.    Wuxuu ka cabsanayey Mareykanka iyo Galbeedka umana hogaansami Karin diinta iyo sharciyada dalka u yaalla ee lagu ilaaliyo bedqabka mushtamaca Soomaaliyeed.

b.    Waxay Cali Yar,  Farmajo iyo Fahad rabeen inay arrinkaan u siticmaalaan kolba sida iyaga u shaqeyneyso oo labada reer loo kala sheekeeyo.

Haddaba iyadoo Maxakamddii Ciidamada ay xukuntay in Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) uu yahay dembiile in qisaasta lagu fuliyana uu sugayo ayaa  waxaa dhacay arrimahan:

1.   waxaa Meesha ka baxay Farmajo iyo Fahad, inkasta oo uu Cali Yare weli joogo qaskiisiina sii wato, 

2.   Waxaa la badalay gudoomiyihii dilka ku xukumay ee maxakamaadda Ciidamada qalabka sida, badalkana shaqo kuma lahayn arrin gaar ah ee mid siyaasaded ayuu ahaa waayo waxaa uu ahaa qof ay ku adag tahay inuu shuruucda ku shaqeeyo waxaana gacanta uu u galay kooxdii hore ee Farmajo iyo Fahad oo iyagu ay ku adkeyd inay marnaba sharciga raacaan.

3.   Waxaa la magacaabay Gudoomiye kale, kaas oo ay isku reer yihiin guddoomiyahii hore waxaana isla markiiba ku dhaqaaqay in hawlaha maxakamadda horyaalla la dedejiyo oo loo fara marnaado dagaalka shabaab oo ay ciidamada kula jiraan iyo waxyaabaha ka iman kara maadaama ciidanka qalabka sidaa ay dagaal adag ku jiraan inay dhici doonaan falal sharciga ka baxsan oo ah sida lagu yaqanno ciidan dagaal galay, maxkamadda Ciidamadana laga rabo inay degdeg uga go’aan gaarto.

Sidoo kale waxaa jiray amar guud oo ka yimid taliyaha guud ee ciidamada oo ah MW JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo ahaa in dhamaan hay’adaha dalka oo ay ku jirto Maxkamadda ciidamda u diyaar noqdaan socodsiinta hawlaha dagaalka lagula jiro aragaxisida loona baahan yahay inay si deg deg ah u fuliyaan go’aamada horyaalla ee soo jiitameyey si loogu diyaar noqdo falnaqyada ka imanaya dagaalka ay ciidanka iyo shacbiga ku wada jiraan hadda.

Haddaba maxkamada ciidamada oo fulineysa waajibaadkeeda distuuriga ah waxay madaxdweynaha usoo gudbisay dacwadaha laga go’aan kaaray si uu u saxeexo, waxaana ka mid ah dacwada dil suge Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) oo sidaas loogu fuliyey xukunkii ay maxakamadda ciidamada ka gaartay arrintiisa kadib markii reerkii Wasiir cabbaas ay diideen inay diyo qaataan. 

Madaxweynaha JFS Waa sharci ilaaliye ee maaha sharci dejiye, haddii uu xukun maxakamadaha dalka uga yimaado waxaa uu ku qasban yahay inuu ka qaato waajibaadka uga aadan, sidaa ayuuna sameeyey. Waxaan aragnay koox siyaasadeynaya dilka qisaasta ah ee lagu fuliyey Axmed Cabdullahi Cabdi (Ceydiid) oo ku doodayo inuu Farmajo dib u celiyey. Farmajo go’aanka Maxkamadda waxba ka oran , mana ku celin ee wuxuu ku lahaa reer Cabbas berito ayaa saxeexayaa ee diyo ha qaadanina, halka uu ku lahaa reerka  Caydiid waxba ma saxeexayo ee diyada diyaarsada.

MOL waxay arrinkaan kala hadashay Maxakamadda Ciidamada, Xafiiska Madaxweynaha iyo sharciyaqaanno oo dhammantood isku waafaqay inay sidaas wax u dhaceen.