Qilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Maamulka sare ee Degmada Mahadaay

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe C/llaahi abuukareey ayaa eedeymo la xiriira musu-maasuq waxa uu u jeediyay Guddoomiyaha Degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen oo loo yaqaan ”Geeldoox”.

Waxa uu sheegay C/llaahi Abuukareey in mas’uuliyiinta xilalka kala duwan ka heysa degmada ay kasoo wada tageen halkaasi,isla markaana Mahadaay uu ku sugan yahay hadda kaliya Guddoomiye ”Geeldoox” oo fowdo ka wada gudaha degmadaasi sida uu hadalka u dhigay C/llaahi Abuukareey.

Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe C/llaahi abuukareey oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu u sheegay in Guddoomiye C/laahi Maxamed Xuseen ”Geeldoox” uu markii labaad musuq-maasuqay Lacag ka timid Wasaaradda maaliyadda Hirshabeelle oo la siinaayay Degmooyinka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu hore ugu tikrofalay lacago lasiin  laha dad shacab ah oo ay abaaro saameeyeen,iyadoona Degmada Mahadaay gacanta ay ku hayaan labo wiil oo isaga keensay,kuwaasi oo wax xil ah aan ka heyn Degmadaasi.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay maamulka Degmada Mahadaay,isla markaana loo baahan yahay in lasoo kala dhexgalo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!