Qiimaha hubka lagu kala iibsado Muqadisho oo sare u kacay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa afartii asbuuc ee u danbeeysay sare kac xoog leh uu ku yimid qiimaha hubka lagu kala iibsado ee magaalada Muqadisho. Inkastoo aan wali la ogaynin sababaha rasmiga ah ee keentay sare u kaca hubka hadana  waxa la sheegayaa in ay ka danbeeysay cabsi xoog leh oo la soo daristay shacaba ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan ganacasatada. Sidoo kale waxa sii lumaya kalsoonida Shacabku ay ku qabaan dowlada Fedaraalka.

Xasan Unbaaye oo ka ganacsada hubka ayaa u sheegay MOL in suuqa hubka uu yahay mid aad u kacsan maalmahan danbe. Xasan ayaa yiri “sare u kaca hubka waxa uu yimaadaa xiligi waqtiga dowlada uu gabaabsi yahay ama loo arko in ay sii dhimanayso, ama dareen guud oo cabsi dhaliya ka dhasho dalka, xaqiiqdii meel fiican ayuu hadda suuqa noo marayaa”. Waxa uu intaas ku daray, ” .. walaahi hubka qaar qiimahiisa waa laba laabmay gaar ahaan hubka culus”. 

Waxyaabaha lagu garto in saan-saan colaadeed jirto waxaa ka mid ah in hubka qiimahiisu kor u kaco, hada magaalada muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa sababta qiimaha hubka kordhisay?

Qoriga AK-47-Ka ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qiimahiisu  uu laba laabmay halka qoryaha loo yaqaan daba jeexa ama PKM uu gaaray $23,000 oo doolar qoragiisa iyo ka badan tayada qoriga ayuu ku xiran yahay. Bistooladaha ayaa iyaga qiimahooda kor u dhaafaya $1,500-$2,000.