Waxa socoto qeylo dhaanta ku adan wax ka qabashada Fatahaadaha Wabiga Shabeele uu ka geystay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,aya wanan jirin dhaqdhaqaaq ka imanaya Xukuumada Soomaaliya iyo guud ahan dowlada.
Dhawaan waxa shir ay yeeshen Xukumada Gudi lo ssaray Fatahada Baladweyne waxana gudomiye loga dhigay Raiisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Waxa ayan daro ah in Ruwayadaha anan marnaba naga dhaman iyado Shucuuub dhan oo ku nool Magaalo oo ku jira Xaalad Qatar in hooshodi gargaarka dib loo dhigo iyado Masuliyintii shacabkasi ay sugayeen ay yihiin.
Iyado ay jirto Xaalad halis ah oo dad shacab ah aysan heysan Nolol iyo meel ay ku har galaan aya waxa Mahdi uu Brundi u kici tamay Xili uu dawaashada Ciyaar Dalkaasi u tagay,waxana maanta mahdi uu saxafada laso istaagay Shacabka soomaaliyeed wax ha uqabtaan dadkasi dhibaatada heysata.
Guddigii uu ku dhawaqay Ra’iisulwasaraha xukuumada Soomaliya ee loo xil saaray u gurmashada dadkii ka barakacay fatahaada uu Wabiga Shabelle ka sameeyay Magalada Baladweyne ayaa Maanta waxa ay kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Sikastaba Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Magalada Baladweyne u tagay Safar u muuqday Damaashaad maadama uu so daawaday dhibatada dadkasi heysata isago gacmo maran.