Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in ay waqtigaan heestaan Maxaabiista xukumay oo ay Gacanta ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in waxyaabaha uu arkay waqtiagan ay qeyb ka tahay in dadka markii la xukumo la waayo Xabsi lagu xiro taasina ay keeneyso in guryahooda loo diro sida uu hadalka u dhigay.
Hadal kooban oo uu sheegay Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay in arrintaasi ay tahay mid murugo leh,isla markaana u baahan in wax laga qabto.
Waxax jira Maxaabiis loo heysto dambiyo kala duwan oo ku jira Xabsiyada dowladda,iyado ay dhibatoyin kala kulman xabsiyadaasi waxana dadka xiran ka mid ah qaar an danbiyo la heyn oo danbiyo dusha laga saaray.