Qeylo Dhan Ka Dhan Ah R/W Kheyre oo Ka Taagan Degmo Ka Mid Ah Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Waxa qeylo dhaan Xoogan ay ka so yeereysaa Dadka ku nool Degmada Deyniile ee Gobolka Banadir aya waxa Ciidamo ku heyb ah Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay qas iyo fowdo ka wadan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo xiran dareeska Ciidanka Xoogga dalka,islamarkaana si aad ah u hubeysan ayaa awood u sheegta Maamulka degmada Deyniile kalana wareegay ilihii dhaqaalaha ee degmada ka soo geli jiray sida Canshuur qaadista,waxaana la sheegay in isbaarooyin dhowr ah degmadaasi ay taalo.

Maamulka degmada Deyniile ee hoostaga Maamulka Gobolka Banaadir uu madaxda ka yahay Guddoomiye Yariisow ayaa maaro ula sidii Ciidamadaasi u abaabulan hab beeleedka ee ku abtirsada qabiilka Xasan Cali Kheyre wax looga qaban lahaa.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka aya ino shegay in Ciidanka ay ka amar qaatan Xafiiska Kheyre iyado bilooyinki danbe ay fadhiisino ka sameysteen Qeybo ka mid ah degmada Deyniile.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!