Waxaa soo wadnay bal inaan wax ka ogaanno ragga u soo haliilaya inay dalkaan madaxdweyney ka noqdaan, kuwaas oo aad maraka qaar is oraneyso makhaayad iyo xafiis ama bajaaj laga shaqeeyo inay ula mid tahay madaxtooyada dalka oo biil inay ka helaan u soo raadsada.
Qaarkood weligood masuuliyad dowladeed ma qaban mana hayno wax lagu cabiri karo waxqabadkooda, laakiin qaarkood ayaa waxay dayaceen masuuliyaddii loo dhiibay oo dhaawac iyo dhibaato mahadho ayaa dalka iyo dadka Somaliyeed ka soo gaartay.
Waxaan horay uga soo aragnay qeybtii 1aad ee Xasan Cali Kheyre oo musharrax MW ah, kaas oo aan soo muujinnay sida uu ugu fashilmay xafiiska ugu awoodda badan dhinaca waxqabadka dalka oo ah Xafiiska RW xafiiska iyo dhibaatooyinkii uu dalka u geystay muddadii seddedxda sano iyo barka ahayd ee uu ahaa madaxda Xukuumdda. Maanta waxaan soo qaadaneynaa tusaalayaal nool nool oo aan ku muujineyno saxnimada waxa aan ka sheegeyno si aan caddaaladda ugu dhawaanno.
Haddaba waa sidee dhaqanka Kheyre marka uu awoodda xafiiska gacanta ku dhigo Sidee ayuusa ula dhaqmaa masuulitiinta la shaqeysa iyo inta xafiiskaas in loogu adeego ay ahayd?
- Aynu ka bilowno wasiiraddii Golaha wasiirada intii uu ahaa RW Dalka.Waxaan qeyb ka soo qaaday qoraal uu qoray wasiir golihiisa wasiirada ka tirsan oo ah wasiir aqoon iyo karti weyn lagu tuhunsan yahay dalkaanna u ah hanti (Asset). Erayga wasiir ma laha sinji (Gender) ee waa magac guud oo ay qaadan karaan Ragga iyo Dumarka xabta xafiiskaas.
Qoraalka wasiirka waxaa uu u qornaa
…Waayo-aragnimadayda xirfadeed, waxaa jira laba Xasan Kheyre oo aad u kala duwan – kan soo jeediya khudbadaha ubaxa cas ee Soomaalida ka hadlaya dib-u-heshiisiinta, la dagaalanka qabyaaladda, eexda iyo musuqmaasuqa. Run ahaantii, waa masuulkii ugu xushmad-daranaa, ugu hanguri-weyn, qabiilka iyo musuq-maasuqa ugu ba’an ee u janjeedha khiyaanada iyo gardarada leh. Wuxuu xaqiraa ra’iisul wasaare ku xigeenkiisa, wasiiradiisa, xildhibaanadiisa, wuxuuna aad ugu riyaaqaa marka uu helo dhageystayaal ka marag kacaya gardaradiisa.
Si daacadnimo ah, waxaan u soo bandhigay istiqaaladayda mar aan ogaaday in qiimaheenu aanu is waafaqsanayn. Wuu diiday in uu aqbalo, wuxuuna igu booriyay in aan dib u eego maadaama uu dalku u baahan yahay kartidayda. Mar aanu ku heshiinay in aanu si dhow u wada shaqayno, una balan qaaday in uu taageero iyo wada shaqayn buuxda la garab taagan nahay, waxa uu ku farxay in 4-tii subaxnimo uu iga sii daayo xilkii aan hayay” Macnaheeda waxaa uu rabay inuu sharafta ka qaado wasiirkaan oo uu isagu u muuqda inuu eryey wasiirka halkii uu ka diiday is casilaadda.“…Talada kaliya ee uu i siiyay, hal sano oo aan la shaqaynayey, waxay ahayd in aan la aamini karin Wasiiru-dawlahayga, Wasiir-ku-xigeenka, Xildhibaanada, Xafiiska Madaxweynaha iyo inta badan Golaha Xukuumadda. Dalku waxa uu u baahan yahay Hogaamiye bisil, aragti dheer, dhaba oo ku nool afkiisa iyo ballanqaadkiisa. Fadlan ha aaminin isaga – erayadiisu waa ereyo madhan oo madhan” Qoraalka aad ayuu u dheeraa waxaanu ku qornaa Afka Ingiriisiga waxaana ka tarjumnay qeybtaan.
Haddaba wasiiraddii garbaha u ahaa ayuu sidaas ula dhaqmayaa ka warrama side ayuu u la dhaqmayaa gabadha ama wiilka adeegaha ka ah xafiiskiisa ama gaariga u wada? Xasan Kheyre wuxuu ku faanaa, jecel yahayna bahdilka inta ka hooseysa, wuxuuna jilbaha dhulka u dhigtaa cidda uu isleeyahay waa kaa sarreysaa iyo gaalada, gaar ahaan beesha Caalamka oo waxay doonaan ka fushada.
- Akhrista haddana aan dhacdo kale oo ihaano iyo kibir jowrfal weyni ka muuqdo kula wadaagno si aan u fahamno qofkan laaluushka iyo khiyaanada afmacaanida weheliso bilaabay inuu isugu daro xildhibaanada cusub isagoo uga faa’iideysanaya inay yihiin dad Xamar ku cusub, kuwaas oo sida maantaba dhacday uu ku bilaabay laaluush iyo musuq maasuq oo uu qaarkood gawaari u geeyey, qaarna uu telefoonno casri ah u iibiyey si ay u soo doortaan maalinta loo codeynayo madaxdweynaha. MOL Waxay rabataa oo kaliya inay xildhibaanada cusub siiso sabab ay ku doortaan ama ku diidaan musharixiinta wada ordaya kooda iyaga berito wax u dhimi doona iyo kooda iyaga dalka wax u tari kara.
Dhacadada Xanuunka leh ee aan kula wadaageyno waxay tahay dhacdo ay dad badani ay xusuustaan aadna uga xumaadeen kadib markii askari naftiisa u soo hormariyey inuu dalkiisa xellligaan adag u adeego oo Xasan six un u bahdilay Xasan Kheyre oo goobtaas hadal ka jeedinayey ayaa waxaa cod kale uu ka maqlay meeshaas, illeyn libaax lagama dhinac hadli karee, waxaanu si ihaano, afxumo, kibir iyo islweyni ay doqonimo dhashay uu ula dhaqmay askarigii miskiinka ahaa ee la yiri waah adlay.
Akhriste dhacdada ishaada ku arag oo yaan lagaga sheekeyn qof wanaagsan oo qarankan u dan ahna yaan laguugu dirin, doqon qaranka duminayana yaan laguu qarin ee adiga iska dhig askarigaas ama ka dhig wiilkaaga ama waalidkaa ama walaalkaa ama ninkaaga ee u cadaaladd fal.
Bulshooy Kheyre waa kaa, xildhibaanow ama sidaas ku dooro ama ku diid.