(Qeybtii 1aad) Handadaad iyo Ballanqaadyo ay Villada ku Bilaawday Xildhibaanada Cusub.

Reading Time: 3 minutes

Muqdisho Online ayaa isku dayday inay xiriiro la sameyso qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee kuraasta loo soo boobay, waxaan la xiriirnay ilaa tobaneeyo xildhibaan oo si sir ah noogu warramay, waxaasa yaab leh inay dhammaantood ka korsan yihiin sida ay dad badani u malaynayeen.

Isticmaalka teknolojiyada casriga ah iyo xildhibaanadda oo u badan dhallinyaro leh mustaqbal ka fog kan Farmajo ayaa waxay noo muujiyeen inay yihiin dad wax badan ka badali doona siyaasadda dalka si aan ula tartanno waddamada deriska ah.

Waxay sheekadaan kooban dhexmartay mid ka mid ah xildhibaanada cusub oo ay Kursiga u soo xoogeen Fahad iyo Farmajo, waxyna is weydaarsadeen wadahadalkan Farmajo, Fahad iyo Xildhibaankii 1aad.

Fahad: waan ku soo dhoweynayaa waxaana filayaa inaad ogtahay cidda kaa dhigtay xildhibaan iyo in la imaneyso waajibaad?

Xildhibaanka: waan ogahay inaad lacag badan ku bixiseen inaan soo baxo, waana ku mahadsan tihiin. Maanta waxaan ahay xildhibaan qaran waana xusuusan doonaa abaalkiina oo si caddaalad ah ayaan umadda Somaliyeed iyo jufada aan magaceeda ku fadhiyo ugu adeegi doonaa.

Fahad: laakiin waad ogtahay hawsha dhabta ah ee laguu soo saaray?

Xildhibaanka: Hadda Fahadow inta aan kuu sheegay wax ka badan ma ogi ee ma ii faahfaahin kartaa?

Fahad: Waad ogtahay haddii aadan is yeelyeeleyn, laakiin aan kuu sheego waa inuu Farmajo soo noqdaa oo codkaaga cid aan isaga ahayn ma siin kartid waana sababta aan kuugu yeernay, dhaqaale annaga na weydii laakiin codkaaga mar waliba cidda aad siineyso aniga ayaa kuu sheegaya.

Xildhibaanka: Macnaheedu codkeyga iyo kan rabitaanka iyo danta beesheyda aniga xor uma ahiye?

Fahad: Xildhibaan maalintii aan xafiiskeyga idin kula hadlayey waxaan idiin sheegay inaan ballan ga leyno oo aan ka shaqeyneyno inaad soo baxdaan adinkoo koox ah, waxaana idiin sheegay in ballanteena oo laga baxaa ay yeelaneyso cawaaqib xun oo adag, marka taas xusuuso, haddana Madaxweynaha ayaa laguu geynayaa ee u xaqiiji inuu codkaaga diyaar u yahay, waana mahadsan tahay.

Farmajo: Xoldhibaan ku soo dhowaaw xafiiska Madaxweynaha oo aan filayo markii kuugu horreysay inay tahay. Waxaan filayaa in Fahad kuu sheegay inay hawl muhiim ah na hortaallo.

Xildhibaanka: Haa Madaxweyne, waana dadaalayaa.

Farmajo: Waxaa la rabaa inaad si fiican uga dhex shaqeysid xildhibaanada cusub si aysan codkooda cid kale u siinin, haddii ay sii yaanna waxay ka baxeen ballantii.

Xildhibaanka: Mudane Xildhibaamada waa xor waxaana xil ka saaran yahay dadka ay matalaan oo ay magacooda ku fadhiyaan iyo inay dalka u dooraan hogaan wanaagasan.

Farmajo: xildhibaanna annaga keennay oo ka shaqeynay lacagna ku bixinnay inay soo baxaan ee dadkooda ma keensan. Ha la gaaro marka aan qabanno doorashoo qof iyo cod ah laakiin hadda annagaa ku keennay kuuna sheegeyna waxa dalkaan u wanaagsan oo ah xukun aan is badbadalin si dalka uu horumar u gaaro.

Xildhibaanka: Mudane Xildhibaannada dad ayey matalaan ee Madaxtooyada ma matalaan waxayna ku khasban yihiin inay sameeyaan waxa ay u  dhaaranayaan oo ah inay danta dadkooda ka shaqeeyaan, taas oo guud ahaan ah mid dalka u wanaagsan marka xildhibaan walba uu ka shaqeeyo waxa dadkiisa u wanaagsan.

Farmajo: Fahad waad isa soo aragteen waana kuu sheegay waxa lagaa rabo.

Xildhibaanka: Fahad waxaa uu ii sheegay inuu codkiisa xor u yahay keygana aan xor u ahayn oo haddii aan sidaas sameeyana aan cawaaqib la kulmi doono.

Farmajo: Fahad waa nin ballanta ku adag ee u fuli wixii aad ku ballanteen si aysan wax dhib ahi u dhicin.

Xildhibaanka: Madaxweyne Fahad igama xoog badna, igama qabiil fiicna laakiin wuxuu isku halleynayaa waa awoodda ciidanka NISA ee adiga ma sidaas ayaa la qabtaa, misa waxaa noo tahay dhexdhexaad?

Farmajo: Aniga qabiil ha igala hadlin adiga, waa jiraan dad aan kala hadlayo qabiil laakiin adiga maaha. Fahad la xaal waana mahadsan tahay, tan kale warkeenna ma bixi karo, xildhibaanada kalana lama hadli kartid. Waana is taagay Farmajo.