Waxaan soo wadnay inaan baranno qofka uu yahay xasan Cali Kheyre oo seddex sano iyo bar ahaa qofka ugu awoodda badan dhinaca maamulka dowliga ah ee hay’adda fulinta iyo taariikhda madow ee uu leeyahay.
Haddaba qeybtaan seddexaad annagoo sii raadraaceyna waxa Kheyre laabta shacbiga ugu yaal adiga xildhibaanow laguugu qiimeyn doono waxa aad ka geysatid maalinta qalinka iyo waraaqda laguu dhiibo oo uu rabbi oo kaliya ku weheliyo, ayaan kuu ifin donna wixii uu geystay ama uu ogolaaday inay dhacaan oo dhib ah.
Taariikhan hoose u kaasho baaristaada si aad go’aan uga qadatid Xasan Cali Kheyre:-
- 14 Agoosto 2017 Kheyre waxaa uu ahaa nin kii Farmajo u fuliyey, kuna kaalmeeyey in MW Cali Cabdullahi Cosoble xilka laga tuuro, iyadoo 24/10/2017 lagu badalay si musuqmaasu baahsan ah Maxamed Cabdi waare, kana dhigay sidii ay Kheyre iyo Farmajo rabeen. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey
- 25 Agoosto 2017 Waxaa dad shacbi ah la Xasuuqay Bariirre, kuwaas oo dowladdii Xasan Kheyre ay ku sheegtay inay ahaayeen Shabaab. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey
- 28Agoosto 2017 waxay Kheyre, Fahad iyo Farmajo dalka Itoobiya gacanta u geliyeen halgamaa Somaliyeed Qalbidhagax oo waliba kheyre si Khasab ahh golaha wasiirada uga sharciyeey dhiibistiisa. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey
- 17 Disember 2017 Waxaa la weeraray Cabdiraxman CabdiShakuur oo Gurigiisa lagu dialy askar ka tirsaneyd ciidanka xooga dalka Somaliyeed kuwaas oo kabahoodii lagu duugay- Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey.
- 08 Abriil 2018 Waxay dowladda Kheyre iyo Farmajo xoog, cagajugleyn, iyo laaaluush kula wareegeen goalaha shacbiga, waxayna eryeen mid ka mid ah ragga ugu aqoonta badan dhinaca shuruucda iyo distuurka gudoomiye Maxamed Sh Cusman Jawaarey. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey.
- 8 November 2018 waxaa uu MW Farmajo, kheyre u adeegsaday in la eryo MW k/Galbeed Shariif xasan Sh Adan oo uu Farmajo u qabay ciil ka soo bilowday Kampala Accord. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey.
- 14 Disember 2018 Waxay kheyre, Fahad, iyo Farmajo ku Xasuuqeen magaalada Baydhabo shacbi 15 qof ah iyadoo xataa Wakiilkii QM ee ka damqaday dalka laga eryey. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey.
- 08 Juun 2019 Farmajo, Kheyre iyo Fahad waxay lacag malaayiin ah u dhiibeen in Puntland doorashadeeda la carqaladeeyo, lana soo saaro shakhsi la yiraahdo jebiye si looga dhigo Puntland sida hadda ay yihiin H/Shabeelle, K/Galbeed iyo Galmudug. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey.
- 28 Agoosto 2019 Waxaay Kheyre, Farmajo, iyo Fahad ku qadeen dagaal dhinac kasta Jubaland oo ay doorashooyin ka socdeen si loo tuuro Axmed Madoobe oo xataa in ciidan Itoobiyaan ah loo adeegsaday. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey.
- 22 Setember 2019 markiilagu guleysan waayey in la rido Axmed madoobe waxaa xayiraad cirka ah lagu soo rogay dhammaan duulimaadyadii rakaabka iyo daawooyinka u keni jiray dadka Jubaland taas oo ah runtii dambi qaran oo ay ahayd in lagu qaado cidii ka mas’uulka ahayd. Sidoo kale waxaa loo diiday inay Kismayo u safraan Madaxweynayaashii hore ee dalka, taas Iyana ahayd dembi kale.Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey
- 10 Nofember2019 Kheyre , Fahad iyo Farmajo Waxay u diideen inay ka duulaan garoonka Adaen Cadde labadii Madaxweyne Sharif Sh Axmed iyo Xasan sheekh si ay mucaawino u gaarsiiyeen magaalada Balatweyne oo uu ku fahay wabiga shabeelle dadna ku dilay. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey
- 02 Febraayo 2020 Waxay Kheyre, farmajo iyo Fahad si musuqmaasuq ah u uga dhigeen madaxdweyne Axmed Cabdi Qoorqoor, iyagoo ku bixiyey lacag aad u badan. Hawshaan badankeedna waxaa qabtay Xasan Cali Kheyre. Kheyre waa ku faraxsanaa oo af ballaaran ayuu ku qoslayey
- 25 Julay 2020 Xabaale qode xabaalkiisaa la qoday Kheyre godkiisa ayey biyo ugu soo galeen waxaana talada looga xayuubiyey 7 daqiiqo, waxaana ka xayuubiyey Mursal iyadoo aan la marsiinin wax sharci ah. Waayo muddo dheer ayuu sharcidarro sameynay, adkeynayey, fulinayeyna.
- 27 Satember 2020 waxaa Xasan Cali Kheyre loo diiday inuu wareejiyo xilkii uu sida sharafta leh kula wareegay, tan oo ahyd ihaano iyo ceebeyn rasmi. Waxaana ku soo qalloocday dhammaan sharci jebintii uu sida joogtada ah ugu raaxeysan jiray.
- Ciidanka dhallinyarada ee Erateriya loo diray oo uu xataa boqollaal ka damintay Beeshiisa isagoo ku gabbanay aderkiis Maxamed Xasan Xaad wuxuu hadli la’ayahay waayo ma waxaa laga ahayaa Faro iyo muuqaallo caloolxumo leh oo aamusiisay
Kheyre waa beenaale isla weyn oo aan lahayn mabda’a lagu og yahay. Waxaa aad ula weyn khiyaanada, kibirka iyo isla weynidiisa oo ka dhigta qalfoof maran. Kheyre waxaa aad ugu yar waddanimada, mana ka naxo dhibaatada iyo xanuunka ay ku reebaan tallaabooyinkiisa khaldan dadka kale iyo hooyooyinka albaabkiisa ku ooyi jiray oo ay ka maqan yihiin caruurtii