qeybo kamid ah Bariga Afrika oo Duufaanno ku soo wajahan-yihiin

Reading Time: < 1 minute

Ha’yadda saadasha hawada ee adduunka ayaa sheegtay in duufanno ay kusoo wajahan yihiin dalka Mozambique , waxaana la filaya in duufaanta ay garaacdo gobollada xeebta ku yaalla ee waqooyiga dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda.

Hay’adda Saadaasha Hawada Aduunka ayaa Maanta oo Khamiis ah waxa ay ku dhawaaqday inay duufaano culus kusoo wajahan yihiin dalka Mozambique oo ka mid ah wadamada Bariga afrika.

Wakaaladda wararka ee dowladda Mozambique ayaa sheegtay in Duufaantaas la filayo in ay garaacdo gobollada xeebta ku yaalla ee waqooyiga dalkaas iyo sidoo kale deeganno ku yaalla dalka Tanzania.

Dowladda Tanzania waxay ugu baaqday shacabka ku nool deegaaka Mtwara iyo goobaha ku xeeran inay u guuraan dhulka fog si ay uga badbaadaan duufaanta la filayo inay halkaasi ku dhufato.