Qeybo Ka Mid Muqdisho oo Xalay Howlgalo Ay Ka Dhaceyn Xili Amaanka Caasimada uu Liito

Reading Time: < 1 minute

Ciidamadda Dowladda Soomaliya ayaa xalay howlgal waxa ay ka sameeyeen qaar kamid ah Xaafadaha Degmadda Hodon ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamadda Nabad Sugida iyo Kuwa Booliska ayaa lagu qab-qabtay Dhalinyaro badan oo lala xiriirinaayo in ay qeyb ka yihiin falalka amniga lidiga ku ah.

Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Siigaale ilaa Soona-keey ee degmada Hodan, kadib markii xaafadaas shalay lagu dilay Gudoomiye Waa-xeed ka tirsanaa Maamulka Degmadaasi.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo arintaan.