Qeeybo ka mid ah Soomaaliya oo lga cabsi qabo in ay ku Dhuftaan Roobab dabeeylo Wata!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno deegaanka xaafuun ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay ka taagan tahay walaac xoogan oo dadka deeganka ay ka cabsi qabaan cabsida dadka deegaanka ay qabaan ayaa ah in ay ku dhufato duufaanta Luban oo la saadaaliyay iney ku dhudan doonto deegaano kamid ah maamulka puntland.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inmudooyinkii lasoo dhaafay ay dareemeen roobab  dabeylo wata.

gudoomiye kuxigeenka deegaanka Xaafuun Axmed Maxamed Cabdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in deegaanka ay walaac xoogan iyadoo laga dareemayo duufaano ku dhufta deegaankaasi.

21 bishan october ayaa la filayaa in cirifka bari ee soomaaliya oo ah halka ay iskaga darsamaan badweynta Hindiya iyo badda cas iney ku dhufato duufaanta luban.