Qaybo kala duwan oo ku soo biiray dagaalka ka socda Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay  dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay gudaha magaalada, kaasi oo u dhaxeeya ciidan ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha magaalada Baydhabo, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed.

Ciidamo lagu sheegay inay yihiin ciidanka  Badbaadada Dowlad Goboleedka Koonfur Gakbeed ayaa la sheegaya in uu wato mid kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen, gaar ahaan wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti.

Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada. Dagaal ayaa waxaa la sheegayaa inuu isku badalayo mid qabiil iyada oo ay ka soo qaygaleen qabiilo hubeysan oo lakala safan labada dhinac.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.