Reading Time: < 1 minute

Iyada oo qilaaf badan ay abuurtay ku dhawaaqida maalinta ciida barakaysan, ayaa waxaa maanta si wayn looga ciiday gudaha Soomaaliya, ciidaan ayaa lagu dhawaaqay xiligii danbe ee xalay, Dowlada Fedaraalka  ayaa fiidkii hore sheegtay in maanta ay soon-tahay balse xili danbe oo xalay ah ayay sheegeen in dad soomaaliyeed ay arkeen sidaa daraadeedna ay maanta tahay ciid.

Dhanka kale, in badan oo ka mid ah wadamada Islaamka ayaa iyaggu maanta soomaan waxayna sheegeen in aan la arag bisha sidaas daraadeedna ay sooman-yihiin. Gaar haan wadamda Sacuuidiga, Qatar, Imaaraadka.