Qaybaha kala duwan ee Waxbarashda dalka Suudaan oo xiran

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la xiray qayabaha kala duwan ee waxbarashada oo ay ku jiraan  Iskuulada ku yaalla dalka Suudaan kaddib markii dalkaas ay ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dil loo geystay afar ardey.

Golaha sare ee militariga Suudaan ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhammaan Iskuulada Suudaan laga bilaabo maanta oo Arbaco ah, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee Reuters.

Kumanaan ardey ah ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka caasimadda Khartuum kuwaas oo ka careysnaa dilka ardeydaas.

Ardeyda ayaa lagu toogtay magaalada El Cubeyd kaddib markii dabley ay rasaas ku furtay dad bannaanbaxyo ka dhigayay gobolka Kordofan.