Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xerradda IFO 2 ee dalka Kenya ayaa waxa ay sameeyeen Banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeeddaan Hay’adda UNHCR.
Qaxootiggaan Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in lagu haayo dhibaato weyn oo ah in la doonaayo in laga raro meelaha ay degan yihiin .
Waxa ay sheegeen in aysan haysanin meelo ay u guuraan xilligaan, islamarkaana ay doonayaan in wax laga qabto dhibaatada ay kala kulmayaan Hay’addaasi iyo sidoo kale dowladda Kenya.
Banaabax ayay kaga dhigeen banaanka hore ee xarunta Hay’adda UNHCR, Waxaana ay sheegeen in aysan doonin in la raro.
Dhawaan ayay aheyd markii hay’adda UNHCR ay sheegtay in la xiro doono xeryahaasi Maadaama uu yaraaday dhaqaalihii loogu tala galay xeryaha Qaxootiga dalka Kenya.